4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2020
Sacuudi Carabiya oo shaacisay in sanadkaan ay xajindoonaan dadka waddankeeda ku sugan kaliya
 

Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sanadkan xadidi doonta xujayda Xajka ee sanadlaha ah sababo la xiriira cudurka COVID-19, iyadoo albaabada ka xiranaysa xujeyda ka imaanaysa dibadda.

Wasaaradda xajka iyo cumrada ee dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in dad kooban oo ka socda muwaadiniinta Sacuudi Carabiya ayaa loo oggolaan doonaa inay gutaan waajibaadka sannadlaha ah ee Xajka maaddaama COVID-19 uu kusii fidayo meelaha dadku ku badan yahay.

Gudashada Xajka, oo ah mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, ayaa dadka muslimiinta ah waxaa laga rabaa inay sameeyaan ugu yaraan hal jeer noloshooda hadii ay leeyihiin awooda ay ku sameeyaan.

Boqortooyada Sacuudiga, cudurka coronavirus, waxaa uu gaaray 161,005 xaaladood, oo ay ku jiraan 1,307 dhimasho iyo 105,175 soo kabasho ah. Tan iyo markii ugu horreysay ee uu cudurku ka soo muuqday Shiinaha bishii Disembar ee la soo dhaafay, wuxuu ku faafay ugu yaraan 188 waddan.

Mareykanka, Brazil, iyo Ruushka ayaa ah waddamada ugu daran adduunka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]