3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2020
Dowladda Soomaaliya oo diiday inay jawaab ka bixiso hadalkii xanafta lahaa ee Trump kasoo yeeray
 

Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wax faallo ah ka bixin karin dhaleeceynta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u jeediyay dalka xilli uu ku guda jiray ololihiisa doorashada ee habeenkii Sabtida.

Madaxweyne Trump ayaa Soomaaliya ku sifeeyay Waddan Dowlad la'aan, amni la'aan ah iyo  boolis la'aan, Hadalkaan ayaa qeyb ka ahaa weerar dhanka afka ah ee uu ku qaaday xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka kongarayska.

Warbaahinta BBC-da ayaa weydiisay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya haddii ay bixnayso jawaab, laakiin waxay u sheegtay in aaney xilligan diyaar u ahayn jawaabta dhalleecaynta Trump.

Ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Trump ku dhawaaqo hadal xanaf leh oo ka dhan ah Soomaaliya, isagoo ku xumaynaya Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay Soomaali, balse haatan ka tirsan Kongareeska Mareykanka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/22/2020 6:11 PM EST
Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Kadib markii maanta madaxweyne Farmaajo uu saxiixay sharciga hay’adda duulista rayidka ee Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay kulan lagu daahfurayay dhaqan galinta sharcigaas.

6/22/2020 5:31 PM EST
Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sanadkan xadidi doonta xujayda Xajka ee sanadlaha ah sababo la xiriira cudurka COVID-19, iyadoo albaabada ka xiranaysa xujeyda ka imaanaysa dibadda.

6/22/2020 4:16 PM EST
Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Tan iyo markii uu shalay soo baxay qaraarka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si xoog leh uga hor yimid beelo dhowr ah oo ku tilmaamay mid baal marsan dastuurka dalka, sharciga doorashooyinka iyo nidaamka ay beelaha Soomaaliyeed kusoo xushaan mudanayaasha ku matala labada aqal ee uu baarlamaanka federaalka ka kooban yahay.

6/22/2020 11:30 AM EST
Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka oo ku qabsoomay aaladda Internetka, kaasoo ay ka qeyb galeen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

6/22/2020 8:33 AM EST
Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa codsaday taageero dheeri ah oo caalamiya si Soomaaliya looga caawiyo la dagaalanka faafitaanka cudurka COVID-19.

6/22/2020 6:57 AM EST
Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Ciidamada Kumaandoosta xoogga dalka ee Danab iyo Gorgor ayaa waxay la wareegeen deegaanno hoostaga degmada Marka ee Gobolka Shabeellada hoose, waxayna sheegeen mas’uuliyiinta ciidamadaasi in hadda ay gacanta si buuxdo ugu hayaan dhowr tuulo oo ay Al-shabaab maamulayeen .

6/22/2020 6:22 AM EST
Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Qarax miino oo ah nooca dhulka lagu aaso ayaa burburiyay hoolka nasashada ee Garoonka diyaaradaha degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, lamana oga cidda illaa hadda sida rasmiga ah uga dembeysay qaraxaas oo aan geysan wax khasaaro nafeed ah.

6/22/2020 6:08 AM EST
Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga Facebook-ga ee xafiiska howl-galka Qaramada midoobe ee Soomaaliya UNSOM ayaa waxaa lagu sheegay inuusan jirin wax xiriir ah oo u dhexeeya Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa iyo Jaamacadda United Nations Academy of Somalia (UNAS).

6/22/2020 5:48 AM EST
Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Aadan Barre Ducaale oo ahaa hoggaamiyahii aqlabiyadda Baalramanka Jamhuuriyadda Kenya ayaa lagu sameeyay xil ka xayuubin , kadib markii inta badan xubnaha xisbiga talada haya ee Jubilee ay kala noqdeen kalsoonida.

6/22/2020 1:38 AM EST
Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ku amray ciidamada amniga Puntland inay aragti ku toogtaan cid kasta oo qal qal ku haysa ammaanka iyo xasiloonida Puntland.

6/22/2020 1:38 AM EST
Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.