4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka
 

Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka oo ku qabsoomay aaladda Internetka, kaasoo ay ka qeyb galeen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxda dowladda federalka iyo dowladdaha xubinta ka ah dowladda federalka ayaa kulankaan intii uu socday ku heshiiyay in si degdeg ah uu u qabsoomo shirka amniga iyo doorashooyinka islamarkaana waxaa la isku raacay in Madaxweynuhu go’aamiyo goobta iyo wakhtiga shirka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusuusiyey Madaxda ka qeyb galay kulankan muhiimadda wadajirka iyo in loo tanaasulo danta guud, iyada oo la ilaalinayo dowladnimada. Waxaa sidoo kale uu xoojiyay wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay kulankaan, waxayna ku ammaaneen madaxweyne Farmaajo' iyo madaxda dowlad Goboleedyada tallaabada muhiimka ah ee loo qaaday wada-hadalka joogtada ah ee ka dhexeeya daneeyeyaasha Soomaaliya ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, amniga iyo deyn cafinta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]