4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2020
Madaxweyne Deni: Cid kasta oo qalqal ku haysa amniga Puntland meesha lagu arko halagu toogto
 

Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ku amray ciidamada amniga Puntland inay aragti ku toogtaan cid kasta oo qal qal ku haysa ammaanka iyo xasiloonida Puntland.

“Cid kasta oo fal dambiyeen faraha kula jirta oo hubaysan goobteeda halagu toogto, wax maxkamad ah yaan lala sugin,” ayuu yidhi madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa farriin u diray kooxda Al-shabaab ee ku jirta buuraha Galgala Calmadow, isagoo ugu baaqay inay isisoo dhiibaan haddii kale ay ciidamada ugu tegidoonaan goobahooda kuna layndoonaan.

“Waxaan u sheegaynaa Al-shabaab waqtigooda waa gabaabsi, haddii ay jirto cid degaanadaan kasoo jeeda in ay isisoo dhiibaan, cidii aan kasoo jeedina ay isaga baxaan, waxaan ballanqaadaynaa cidii diida in bartooda lagu toogto,” ayuu yidhi madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay ciidamada la tababaray inay ka shaqeyndoonaan sidii ay usoo afjari lahaa dagaalka Puntland kula jirto wuxuu ugu yeeray kooxaha argigixisada iyo xoraynta dhulka laga haysto Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]