4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2020
Madaxweyne Deni: Dowladda federalka waxay caqabad ku tahay in Puntland laga taageero dhismaha ciidamadeeda


Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo manta tababar usoo xiray cutubyo katirsan ciidamada Puntland oo tababar uga socday magaalada Qardho, ayaa dowladda federalka ku eedeeyay inay caqabad ku tahay in Puntland laga taageero dhismaha ciidamadeeda.

“Waxaa nasiibdaro ah iyadoo aduunka uu uga baxo boqolaal million oo dollar sidii Soomaaliya uga caawin lahaayeen Amniga, iyo dhismaha ciidanka in wixii ay ka mudnaayeen Puntland inaysan ka helin DFS, taas waxaan rajaynayaa in caalamku garto. Masuuliyiinta Dowladda Federaal ka ah hanti ay hayaan loogu dudimaayo, balse waa inaysan caqabad ku noqon waxa beesha caalamka laga helayo,” ayuu yidhi madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay, Puntland tan iyo dhismaheedii oo laga joogo 21 sano kadib, inay iyadu isku tashanaysay oo ciidamadeeda tababar siinaysay, isagoo sheegay in aanay jirin cid ka caawisay wuxuuna dowladda federalka ku eedeeyay inay kaligeed isku koobtay qalabaynta ciidamada iyo dib u dhiskooda.

“ Duruuf walbaa deegaannada kale waa ka jirtaa, hadana cadawgu meel walba waa joogaa, dhismaha ciidankana meelwalba waa looga baahan yahay, waxaase Alle mahaddiis ah Puntland oo 21 sano jirtey oo masuuliyiintii kala dambeysey ee soomaray ay garteen ahmiyadda ciidamadu leeyihiin". Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]