3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 19, 2020
Dagaal u dhexeeya Macawisley iyo Al-shabaab oo ka dhacay Shabeellada hoose
 

Khamiis, Juun 18, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo Gobolka Shabeellada hoose ayaa waxa uu sheegayaa in dagaal xooggan oo u dhexeeyo maleeshiyo deegaanka ah oo lagu magacaabo macwisley iyo xoogggaga Al-shabaab ay ku dagaallameen deegaanno hoos taga Yaaq-bari-weyn  iyo Kaba-hirig, halkaas oo lagu soo warramayo in weli xiisad laga dareemayo.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa raadiye maxalli ah u sheegay in xaaladda ay aad u adagtahay islamarkaana aan loo dhowaan Karin goobaha lagu dagaallamay.

“Waxaan maqleynay rasaas xooggan oo ku dhowaad dhowr saacadood la is-weydaarsanayay” ayuu u sheegay goobjooge la hadlay mid kamid ah idaacadaha Muqdisho.

Sargaal u hadlay Ciidamada Dowladda oo la hadlay isagana warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ay qafasheen Afar qof oo rayid ah , laba kamid ahna ay ku dileen duleedka deegannadaasi.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/19/2020 10:17 AM EST
Jimco, Juun 19, 2020 (HOL) - Sida lagu qoray barta wararka ammaanka ka faalloota ee The intelligence Briefs ayaa qortay in dowladda Tanzania billowday baaritaanno la xiriira muwaadiniinteeda ku biiri kara kooxda Al-shabaab ee ka dhisan gudaha waddanka Mozambique ee ka dagaallanta Gobolka lagu magacaabo Cabo Delgado, sida lagasoo xigtay Ilo sirdoon.

6/19/2020 10:06 AM EST
Jimco, Juun 19, 2020 (HOL) - Safaaradda Sacuudi Carabiya ee ku taalla magaalada Maputa ee waddanka Mozambique ayaa waxay iska fogeysay eedo loo soo jeediyay oo ku saabsan tacaddi ku saabsan xad-gudubyo dhinaca shaqada ah oo lagula kaco shaqaalaha dalkaas u dhashay.

6/19/2020 7:51 AM EST
Jimco, Juun 19, 2020 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay bixinayso in ka badan $ 17.1 milyan oo doolar si loo yareeyo faafitaanka COVID-19 gudaha Soomaaliya.

6/19/2020 5:18 AM EST
Jimco, Juun 19, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud “Filish” ayaa waxa uu shir guddoomiyay kulan lagu qabtay Muqdisho oo looga hadlayay arrimaha la xiriira u diyaar garowga maalmaha xoriyadda ee soo socda.

6/19/2020 5:08 AM EST
Jimco, Juun 19, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa waxa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ugu hambalyeeyay dowladda Kenya oo Jabuuti kaga guuleysatay kursiga aan joogtada aheyn Golaha Aammaanka Qaramada Midoobe.