4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2020
Dad ku nool duleedka Hargeysa oo sheegay in deegaankooda lagu gubay meydadka dad u dhintay COVID-19


Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Deegaanka xeero oo ku yaalla waqooyiga magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa waxay si adag u dhaleeceeyeen guddiga xakameynta iyo ka hortagga xanuunka COVID-19, waxayna ku eedeeyeen in meydad dad ajnabi ah oo u dhintay Coronavirus lagu gubay doox weyn oo halkaasi ku yaalla.

Dad u badan odoyaal iyo haween deegaanka ah oo la hadlay Telefashinka maxalliga ah ee Bulsho tv ayaa waxay sheegeen in hadda ay ka baqayaan khatar caafimaad oo xooggan , maadaama haraadiga meydadkii la gubay ay weli ka muuqanayaan bartamaha togga.

Lama oga dhab ahaanta cidda ay ahaayeen meydadka deegaankaas la sheegay in lagu gubay, lammana yaqaan dhalasho ahaan meesha ay kasoo jeedeen.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland illaa iyo hadda kama jawaabin cabashada dadka deegaanka xeero oo qaarkood sheegay in ay maqlayeen lacago kummaan dollar ah oo lagu gor-gortamayay si meydadkaas oo aan tiradooda la aqoon loo gubo.

Haddii sida la sheegay ay dhab noqoto in deegaankaasi meydad lagu gubay, waxay dad badan aaminsanyihiin in ay noqon doonto fadeexad Somaliland, gaar ahaan guddiga ka hortagga iyo xakameynta COVID-19 soo fuud saarta.



Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]