4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2020
Baarlamanka Soomaaliya oo maanta loo qeybiyay qodobbo ay soo diyaariyeen guddigii loo saaray dhameystirka xeerka doorashooyinka
 

Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) -  Guddiga xeerka dhameystirka doorashooyinka Soomaaliya oo maanta ka qeyb-galay kulankii Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxay u qeybiyeen Afarta xeer ee loo saaray in ay soo diyaariyaan, kaas horay loogu idmaday.

Waxyaabaha ay keeneen guddigaasi waxaa kamid ah habka matalaadda kuraaska maamulka Gobolka Banaadir ay noqoneyso, miisaanka kuraasta siyaasadeed oo ay dumarku yeelan doonaan, daadajinta kuraasta xildhibaannada Baarlamanka Qaranka iyo sida ay noqon kareyso doorashada kuraasta Gobollada waqooyi Somaliland.

Guddigaan ayaa waxay horay usoo bandhigeen matalaadda siyaasadeed iyo kuraasta Gobolka Banaadir uu yeelanayo, iyagoo u qoondeeyay 7 kursi, hase-ahaatee waxaa jiray dhaliillo loo soo jeediyay aragtidaasi, taas oo markii dembe socon waaysay, waxaana ay u muuqatay aragtidii guddiga mid meel martay.

   
  

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]