4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 9 , 2020
Dowlada Jabuuti oo deeq Daawo ah gaar siisay Isbitaalka Magaalada baledweyne


Khamiis, July 9, 2020 (HOL) - Isbitaalka guud ee Magaalada Baledweyne ayaa maanta la soo gaarsiyay deeq daawa ah oo ka timid dolwada Jabuuti oo ay ugu talo galeen in lagu daweeyo bukaanada yimaada Isbitaalka.

Deeqdan Daawada ay Isbitaalka maanta soo gaarsiyeen qaar ka mid ah Sarakiisha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Baledweyne iyo madaxda Maamulka gobolka Hiiraan iyo xubno ka socday Wasaaradda caafimaadka dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali iyo madaxda maamulka isbitaalka ayaa si isku mid ah ugu mahad celiyay dowlada jabuuti oo deeqdan daawada ah maanta soo gaarsisay Isbitaalka Baledweyne xili aad loogu baahi qabay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Dowlada Jabuuti deeq daawo ah ay soo gaarsiiso isbitaalka weyn ee magaalada baledweyne, oo ah Isbitaalka ugu weyn gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Hiiraan Online News Disk