4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 9 , 2020
Al-shabaab oo burburiyay xarumo isgaarsiineed oo kuyaala Kenya
 

Khamiis, July 9, 2020 (HOL) - Kooxda al-Shabaab ayaa weerartay oo burburisey xarun isgaarsiineed oo ku taalay aagga degaanka Korakora, oo katirsan Gobolka Gaarisa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ku dhawaad 20 nin oo hubeysani ay weerarka ku qaadeen xaruntaan ka hor inta aysan iska caabin ciidamada booliiska ee goobta ku sugnaa.

Wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkaan lama soo sheegin.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii laamaha amaanka ay ka digeen inay suurta gal tahay in la weeraro xarumo muhiim u ah xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Taliyaha booliska gobolka waqooyi bari Rono Bunei ayaa sheegay inay xoojiyeen howlgalada ka socda aagga si wax looga qabto khatarta argigixisada.

Waxay timid laba maalmood kadib markii laamaha amniga Kenya ay fashiliyeen afduub argaggixiso ah oo ka dhacay agagaarka deegaanka Dabacity ee degmada Elwak oo ku dhow xuduuda Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]