4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 9 , 2020
Tirada dhimashada rabshadaha Itoobiya oo gaartay 239 qof
 

Khamiis, July 9, 2020 (HOL) - Tirada dhimashada banaanbaxyada iyo rabshadaha qowmiyadeed ee ka qarxay Itoobiya isbuucii la soo dhaafay ka dib dilkii heesaa caan ah oo ka soo jeeda qowmiyadda oromada ayaa gaartay 239, sida ay sheegeen tirokoobyada booliska.

Hachalu Hundessa, oo ahaa halyeey caan ka ah Oromada, ayaa waxaa toogtay rag aan la garaneyn maalintii Isniinta ee asbuucii hore, taasoo sii hurisay xiisadaha qowmiyadeed ee qarka u saaran kala guurka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Mudaaharaadyo ayaa ka qarxay caasimada Addis Ababa, iyo waliba gobolka ku xeeran ee oromada oo ah qowmiyada ugu waaweyn wadanka Ethiopia, kuwaas oo mudo dheer dareemayay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba inay ka go’antahay qarannimada.

"Sababo la xiriira rabshadaha ka dhacay gobolka, sagaal sarkaal oo bilays ah, shan ka tirsan maliishiyaadka iyo 215 rayid ah ayaa naftooda ku waayey," ku simaha taliyaha bilayska Oromada Mustafa Kedir ayaa telefishanka ka sheegay Arbacadii.

Mustafa wuxuu kaloo yiri waxaa jiray "burburin ballaaran iyo bililiqeysi loo geystay hantida dowladda iyo hantida gaarka loo leeyahay.

"Si loo xakameeyo rabshadahaan in ka badan 3,500 oo tuhmanayaal ayaa la qabtay. Waxay ahaayeen xubno ka soo horjeedda nabadda kuwaasoo fuliyay weerarro iyagoo adeegsanaya geerida fanaanka," ayuu yidhi.

Si kastaba ha noqotee, iyada oo Itoobiya ay isu diyaarinayso doorashooyinka kala-guurka dimoqoraadiyadeed, in badan oo ka mid ah qoomiyada oromada ayaa dareemaya in la khiyaaneeyey, iyaga oo ku doodaya in ra'iisul wasaaruhu ku guuldaraystay inuu ilaaliyo danahooda.

Shan xubnood oo sarsare oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Oromo (OLF) ayaa la qabtay, Jawar Mohammed, Bekele Gerba oo ka tirsan Oromo Federalist Congress, iyo Eskinder Nega, oo ah dadka mudada dheer dowladda dhalleeceeynayay, ayaa xabsiga la dhigay.

Abiy wuxuu sheegay in dilkii Hachalu iyo qalalaasihii ka dhashay ay qayb ka ahaayeen shirqool lagu abuurayo xasillooni darro ka dhacda Itoobiya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]