4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 9 , 2020
Shirkii madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo maanta ka furmaya Dhuusamareeb
 

Khamiis, July 9, 2020 (HOL) - Shirkii wadatashiga madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo laga dareemayo qaban qaabada soo dhowaynta madaxda shirka.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa dhinaca kale waxaa buux dhaafiyay ciidamo tiro badan oo ay kusoo daabuleen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, kuwaas mid kastaa uu si gaar ah ammaankiisa masuuliyad isaga saaray.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ugu dambeeyay oo saakay ciidamo gaar ah usoo diray magaalada Dhuusomareeb, kuwaas oo diyaarad gaar ah ay kasoo qaaday magaalada Kismaayo ee madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweynaha Galmudug oo ay tahay markii ugu horeysay oo uu marti galinayo shir nuucaan ah ayay indhaha bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka si gaar ah u eegayaan sida uu shirkaan ugu guulaysto inay kasoo baxaan natiijo miro dhal ah.

Haddii shirkaan ay kasoo baxaan najiito wax ku ool ah waxay taariilkhda ugelidoontaa isaga iyo maamulkiisa curdinka ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]