4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 8 , 2020
Madaxweyne Waare oo Dhuusamareeb lagusoo dhoweeyay


Arbaco, July 8, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay goor dhow madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Galmudug ayaa marti-gelineysa shir hor-u-dhac u ah kulankii waqtigii loo asteeyay kadib dhacay ee uu madaxweyne Farmaajo ku marti-qaaday madaxda qeybta ka ah maamullada faderaalka ah ee dalka.

Maamullada Hirshabeelle,  Koonfur galbeed iyo Galmudug ayaa siyaasad ahaan aan ka fogeyn dowladda dhexe,  halka Jubaland oo jaqoraafi ahaan dhacda Koonfurta dalka iyo Puntalnd oo ku taalla waqooyi bari Soomaaliya ay aad u kala fogyihiin siyaasad ahaan dowladda dhexe.

Haddii ahdaafta iyo aragtida madaxda maamul Goboleedyada ay iskusoo fahmaan shirkaan ka dhacaya maalmaha soo socda Dhuusamareeb waxaa kadib dib loo madli doonaa shir guud oo Madaxweyne Farmaajo uu qeyb ka yahay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]