4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 8 , 2020
Madaxweyne Waare oo daah-furay mashruuca wax ka qabashada fatahaadaha Hirshabeelle


Arbaco, July 8, 2020 (HOL) - Mashruucaan uu maanta daah-furay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu qorshahiisu yahay in lagu dayac tiro illaa iyo 60 goob uu webiga Shabeelle ee mara maamulkaas oo uu fatahaad ka sameeyo.

Marshruucaan ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirro ka tirsan maamulka, Guddiga la hortagga fatahaadaha,  maamulka Gobolka Hiiraan iyo dhalinyarada.  Waxaa sidoo kale qadka muuq-tebinta tooska ah ugasoo qeyb-galay madaxda hay'adda beeraha iyo waraabka Qaramada midoobe ee FOA.


Madaxweyne Waare ayaa ka hadlay muhiimadda mashruucaan uu u leeyahay bulshada Gobolka Hirshabeelle.  Isagoo intaa ku daray inuu yeelanayo seddex weji.

Maamulka Hirshabeelle sanadihii u dembeeyay waxaa saameyn adag ku yeeshahay isbedalka cimilada, iyadoo xilliyada Jiilaalka uu webigu guro,.halka xilliyada Guga iyo Deyrta uu Webiga Shabeelle uu sammeeyo fatahaad saameyn adag ku yeelata dadka iyo deegaankaba.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]