4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 8 , 2020
Askari boolis ah oo horay nin oday ah ugu dilay Muqdisho oo maanta xukun dil toogasho ah lagu riday
 

Arbaco, July 8, 2020 (HOL) - Askari ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya oo ku eedeysnaa dilka nin oday ahaa oo ku ganacsanayay suuqa Ceel-gaab ee degmada Xamar Jajab 16-kii June ayaa waxay maanta maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya ku xukuntay dil toogasho ah .

Dable Nuur Daahir Geelle ayaa waxay maxkamaddu sheegtay inuu qirtay dilka nin oday ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Macallin kaas oo u dhintay rasaas uu riday, kadib markii lagu murmay 2 kun oo shilin Soomaali ah oo duug ah oo marxmuumka dhintay codsaday in laga bedalo xilli askariga maanta la xukumay uu doonayay in Sigaar laga iibiyo.

Xeer-ilaalinta maxkamadda ayaa garsoorka usoo jeedisay in askariga la marsiiyo ciqaab u dhiganta kan lagusoo eedeeyay.

Ugu dembeyn kiiskan ayaa maanta maxkamadda ciidamada waxay ka gaartay go’aan , kaas oo ah in Dable  Nuur Daahir Geelle dil togasho ah sida uu sheegay  Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute.

Dhinacale Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in ciddii aan xukunka dhacay maanta ku qanacsaneyn uu u furanyahay racfaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]