4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2020
Madaxweyne Waare oo Baledweyne kula kulmay Odayaasha dhaqanka Deegaanka Jawiil


Talaado, July 07, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Beledweyne kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaanka jawiil, isagoo kala hadlayay dardar galinta arrimaha dib u heshiisiinta ka socota Gobolka Hiiraan, iyo sidii ay odayaasha iyo waxgaradka uga shaqeyn lahayeen xoojinta Nabadda iyo dib u heshiisiinta Gobolka.

Waxgaradka deegaanka Jawiil ee kulanka la qaatay Madaxweyne Waare ayaa si dheer uga xogwaramay xaalada nololeed ee shacabka ku nool deegaanka Jawiil iyagoo ka codsaday Madaxweynaha in laga hirgeliyo deegaanka jawiil mashaariic horumarineed.

Wasaaradda dib u heshiisiinta Hirshabelle iyo maamulada gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa mudooyinkii dambe ku howlana barnaamij dhab u heshiisiin guud ahaaneed oo la xariira deeganada Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Odayaasha dhaqanka deegaanka jawiil ee maanta kulanka la qaatay Madaxweyne Waare ayaa dhankooda soo dhaweyay howlaha dib u heshiisiinta.

Hiiraan Online News Disk