4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2020
Gudiga gurmadka fatahaadda Baledweyne iyo Madaxweyne Waare oo kulan kula qaatay Internetka Injineero ajaaniib ah
 

Talaado, July 7, 2020 (HOL) - Kulankan ay yeesheen Gudiga gurmadka wax ka qabashada fatahaada Baladweyne isla markaana aalada internetka ee Zoomka loo yaqaano ku dhexmaray iyaga iyo Injineero isugu jiray ajaaniib iyo soomaali oo qibradooda tahay dhinaca biyaha ayaa waxaa looga hadlay sida wax looga qaban karo fatahaada wabiga shabeelle waxaana kulanka qeyb ka ahaa Madaxweyne Waare.

Injineeradda  waxay kulanka kusoo bandhigen xalka ugu fudud ee wax looga qaban karo fatahaada Wabiga shabeelle inta aanan la gaarin xili roobaadka deyrta.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa bogaadiyey howlaha ay wadaan gudiga gurmadka fatahaada Baladweyne oo bilahii ugu danbeeyey waday kulamo xal loogu raadinayey fatahaada wabiga shabeelle ee Baladweyne.

Sheekh Cabdifitaax Xasan Axmed iyo C/raxmaan Keeynaan oo ka mid ah gudiga gurmadka ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan howlaha lagu doonayo in wax looga qabto fatahaadda baledweyne ayna doonayaan in shacabka reer baledweyne ay ku garab is taagaan xal u helista ka hortaga fataahad kale oo barakicisa bulshada Baledweyne.

Injineer Cabdirashiid Cali Cumar oo ah qabiir dhinaca dhismaha iyo biyaha ah oo goob joog u ahaa kulanka ayaa sheegay inay rajo weyn ka qabaan ineysan dhicin biyo markale looga barakaco xaafadaha Baledweyne.


Hiiraan Online News Disk