3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2020
Ganacsatada Qaadka Kenya oo madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu baaqay inuu Soomaaliya kala hadlo in Qaadka laga qaado xayiraada
 

Talaado, July 7, 2020 (HOL) - Beeraleyda Qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay inay ku jiraan waqtiyo adag oo dhaqaale xumo oo kasoo wajahay kadib markii dowladda Soomaaliya ay joojisay duulimaadyada xamuulka ee ka yimaada Kenya.

Ganacstada Beeralayda Qaadka ee gobolka Meru, ayaa madaxweynaha Kenya ee Uhuru Kenyatta ugu baaqay in uu la xiriiro dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo si dib loogu bilaabo duulimaadyada Qaadka.

“Beeraley badan ayaan cunay kaydkooda maxaa yeelay ma haysano meel aan ku iibin karno Qaadka Miraa. Xaaladda ayaa kacsan Madaxweynahana waa inuu ku dhaqaaqaa xawaare si dib loogu furo dhaqaalaha oo uu ula hawl galo deriskeenna oggolaanshaha duulimaadyada xamuulka, ”ayuu yiri Mr Lichoro.

Ms Felicity Makena, oo ah Beeraley ka ganacsada Qaadka, ayaa sheegtay in xiritaanka maamulka hawadda Soomaaliya ay saameyn xun ku yeelatay dhaqaalaha meelaha soo koraya.

“Waxaan ku amaaneynaa Madaxweynaheena sharciga uu u aqoonsaday miraa inuu yahay dalag lacageed. Miraa waa isha koowaad ee dakhliga Kabuitu laakiin suuq la'aan awgeed, waynu xanuunsan doonnaa. Madaxweynaha waa inuu si xawli ah ku socdaa si xaaladda loo badbaadiyo, ayay tiri Ms Makena.

Sida laga soo xigtay Ururka Ganacsatada Nyambene Miraa, Soomaaliya waxay qaadataa ilaa 50 tan oo miraa maalin kasta oo lagu qiimeeyo Sh100 milyan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/7/2020 6:21 PM EST
Talaado, July 7, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in sharciyada matalaada gobolka Banaadir ay u baahan yahay in loo dhameystiro habraaca dastuuriga ah, iyada oo la isla akhrinayo qodobka 9aad ee Dastuurka KMG iyo 12aad (6) ee sharciga doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal.

7/7/2020 1:23 PM EST
Talaado, July 07, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Beledweyne kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaanka jawiil, isagoo kala hadlayay dardar galinta arrimaha dib u heshiisiinta ka socota Gobolka Hiiraan, iyo sidii ay odayaasha iyo waxgaradka uga shaqeyn lahayeen xoojinta Nabadda iyo dib u heshiisiinta Gobolka.

7/7/2020 12:13 PM EST
Talaado, July 07, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Brasiil Jair Bolsonaro ayaa si toos ah (live) telefishinka dalkaas ka sheegay in laga helay cudurka Coronavirus.

7/7/2020 11:00 AM EST
Talaado, July 7, 2020 (HOL) - Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go'aan lagu farayo shaqaalaha dowladda inay ku soo laabtay xafiisyada,ka dib markii bilowgii sannadkan la dhimay shaqaalaha ka howlgallaya xafiisyada si looga hortagga caabuqa Covid-19.

7/7/2020 9:02 AM EST
Talaado, July 7, 2020 (HOL) - Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhaweeyay shirka dowlad Goboleedyada Dalka ee 9-ka bisha lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb.

7/7/2020 8:18 AM EST
Talaado, July 7, 2020 (HOL) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa bayaan kooban uu soo saaray kusoo dhoweeyay kulanka qorsheysan ee Madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ee ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb.

7/7/2020 8:04 AM EST
Talaado, July 7, 2020 (HOL) - Kulankan ay yeesheen Gudiga gurmadka wax ka qabashada fatahaada Baladweyne isla markaana aalada internetka ee Zoomka loo yaqaano ku dhexmaray iyaga iyo Injineero isugu jiray ajaaniib iyo soomaali oo qibradooda tahay dhinaca biyaha ayaa waxaa looga hadlay sida wax looga qaban karo fatahaada wabiga shabeelle waxaana kulanka qeyb ka ahaa Madaxweyne Waare.

7/7/2020 7:32 AM EST
Talaado, July 7, 2020 (HOL) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta dib u dhigtay dhegaysiga dacwad loo haysto Cabdicasiis axmed Gurbiye oo katirsan warbaahinta Goobjoog, kaasoo ku eedaysan inuu geystay gef iyo been abuur ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya.

7/7/2020 2:41 AM EST
Talaado, July 7, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa ka hadlay kulanka madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ku yeelandoonaan magaalada Dhuuso-mareeb khamiista soo socota oo ku beegan sagaalka bisha july.

7/7/2020 2:07 AM EST
Talaado, July 7, 2020 (HOL) - Australia ayaa bandow habeen iyo maalin ah kusoo rogtay qeybo katirsan magaalada ugu weyn dalkaas ee Melbourne oo ay ku nool yihiin Soomaalida badan oo qaxooti ah.