4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2020
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay shirka Dhuusomareeb iyo ujeedada ugu weyn ee shirkaas
 

Talaado, July 7, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa ka hadlay kulanka madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ku yeelandoonaan magaalada Dhuuso-mareeb khamiista soo socota oo ku beegan sagaalka bisha july.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in kulankaas ahmiyadiisa ugu weyn ay tahay, sidii loogu qiimayn lahaa xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo iyo habkii dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah uga tashan lahaayeen doorashada Soomaaliya kusoo wajahan.

“Mar haddii guddigii doorashooyinka ay yiraahdeen doorashadii waqtigii loogu talo galay ma qaban karno, waxaa ku xiga waa, “maxaa xal inoo ah”. Xalkuna wuxuu noqonayaa xal siyaasiyeed, waxaana meesha ka baxay xalkii qaanuuniga ahaa” ayuu yidhi madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni waxa uu sheegay waxa kasoo baxa shirkooda inay la wadaagidoonaan dowladda federalka Soomaaliya iyo cid walba oo ay qusayso arrimaha Soomaaliya ama danaynaysa.

“Waxaan rajeynayaa inuu shirkaas yeesho waji Soomaaliyeed loona fahmo inuu yahay waxyaabaha Soomaaliya horumarkeeda siyaasadeed looga shaqeynayo Ula jeedadiisa ugu weyn waxay tahay in aragti lagu wada qanacsan yahay lagu gaaro shirka,” ayuu hadalkiisa ku daray Deni.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]