3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 6 , 2020
War murtiyeed kooban oo lagasoo saaray shirkii madaxweynayaasha dowlad goboleedyada
 

Isniin, July 6, 2020 (HOL) - War murtiyeed kooban ayaa lagasoo saaray shirkii dhexmaray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya, kaasoo looga hadlayay arimaha doorashada Soomaaliya.

Qodobada lagasoo saaray waxaa kamid ah in ay madaxdu yeeshaan shir degdeg ah oo looga arrinsanayo arimaha doorashada, shirkaas oo ka dhicidoona magaalada Dhuusamareeb markay taariikhdu tahay 9 july.

Shirka Dhuusamareeb waxay kaga tashandoonaan sidii dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah u yeelan lahaayeen shir degdeg ah waqtiyada soo socda.

Halkaan hoose ka akhriso.


 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/6/2020 8:37 AM EST
Isniin, July 6, 2020 (HOL) - Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xayiraadii ka qaadday dhaqdhaqaaqa saddexda magaalo ee kala ah Nairobi, Mombasa iyo Mandheera iyada oo la raacayo tilmaamaha cusub ee ku saabsan xakameynta coronavirus.

7/6/2020 7:09 AM EST
Isniin, July 6, 2020 (HOL) - Sida Warbaahinta maxalliga ah ee gudaha caasimadda Soomaaliya ka shaqeysa ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka Qalimow ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa maanta inta u dhexeysa deegaankaas iyo degmada Balcad ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab .

7/6/2020 6:53 AM EST
Isniin, July 6, 2020 (HOL) - Weriye Yassin Juma ayaa la xeray xilli uu kamid ahaa saxafiyiin warar kasoo tebinayay dibad-bax weyn oo ka dhacay gudaha Gobolka Oromia ee dalka Itoobiya. Mudahaaradayaasha ayaa ka careysnaa dilkii Fannaankii Hachalu Hundessa.

7/6/2020 2:24 AM EST
Isniin, July 6, 2020 (HOL) - Midowga Yurub ayaa sheegay inay dayuurado samafal bini aadamnimo oo ka yimid magaalada Brindisi ee dalka Talyaaniga, ay sahay bani'aadamnimo iyo mid caafimaad ku wareejiyeen wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ururada bulshada rayidka ah ee Talyaaniga iyo NGO caalami ah.

7/6/2020 1:54 AM EST
Isniin, July 6, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo wadahadal la yeeshay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian, ayaa diiradda saaray ixtiraamka madax-bannaanida iyo dowladnimada labada dal.

7/6/2020 1:51 AM EST
Isniin, July 6, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa diiwaan gelisay 10 xaaladood oo COVID19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida uu sheegay guddiga xakamaynta cudurka.