3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 6 , 2020
Dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ka dhacay duleedka Balcad
 

Isniin, July 6, 2020 (HOL) - Sida Warbaahinta maxalliga ah ee gudaha caasimadda Soomaaliya ka shaqeysa ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka Qalimow ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa maanta inta u dhexeysa deegaankaas iyo degmada Balcad ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab .

Warka waxa uu intaa ku darayaa in dagaalku uu yimid kadib markii maleeshiyo hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ay jidka u galeen gaadiid ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya oo halkaasi marayay.

Waxaa lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare , balse si rasmi ah looma xaqiijin karo dhibaatada kala gaartay labada dhinac.

Baraha wararka ee taageera Al-shabaab ayaa waxaa lagu qoray iney dagaalkaasi ku gubeen gaari booyad ah oo ciidamada AMISOM, gaar ahaa kuwa Burundi u sidday shidaal .

Ma jiraan illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle iyo dowladda dhexeba oo ku saabsan dagaalkaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/6/2020 8:37 AM EST
Isniin, July 6, 2020 (HOL) - Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xayiraadii ka qaadday dhaqdhaqaaqa saddexda magaalo ee kala ah Nairobi, Mombasa iyo Mandheera iyada oo la raacayo tilmaamaha cusub ee ku saabsan xakameynta coronavirus.

7/6/2020 8:26 AM EST
Isniin, July 6, 2020 (HOL) - War murtiyeed kooban ayaa lagasoo saaray shirkii dhexmaray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya, kaasoo looga hadlayay arimaha doorashada Soomaaliya.

7/6/2020 6:53 AM EST
Isniin, July 6, 2020 (HOL) - Weriye Yassin Juma ayaa la xeray xilli uu kamid ahaa saxafiyiin warar kasoo tebinayay dibad-bax weyn oo ka dhacay gudaha Gobolka Oromia ee dalka Itoobiya. Mudahaaradayaasha ayaa ka careysnaa dilkii Fannaankii Hachalu Hundessa.

7/6/2020 2:24 AM EST
Isniin, July 6, 2020 (HOL) - Midowga Yurub ayaa sheegay inay dayuurado samafal bini aadamnimo oo ka yimid magaalada Brindisi ee dalka Talyaaniga, ay sahay bani'aadamnimo iyo mid caafimaad ku wareejiyeen wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ururada bulshada rayidka ah ee Talyaaniga iyo NGO caalami ah.

7/6/2020 1:54 AM EST
Isniin, July 6, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo wadahadal la yeeshay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian, ayaa diiradda saaray ixtiraamka madax-bannaanida iyo dowladnimada labada dal.

7/6/2020 1:51 AM EST
Isniin, July 6, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa diiwaan gelisay 10 xaaladood oo COVID19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida uu sheegay guddiga xakamaynta cudurka.