4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 6 , 2020
Midowga Yurub oo sheegay inay Soomaaliya gaarsiiyeen saddex duullimaad oo siday gargaar bini'aadminimo iyo qalab caafimaad


Isniin, July 6, 2020 (HOL)  -  Midowga Yurub ayaa sheegay inay dayuurado samafal bini aadamnimo oo ka yimid magaalada Brindisi ee dalka Talyaaniga, ay sahay bani'aadamnimo iyo mid caafimaad ku wareejiyeen wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ururada bulshada rayidka ah ee Talyaaniga iyo NGO caalami ah.

Midowga Yurub wuxuu sheegay Laba duullimaad oo kale oo Soomaaliya ku wajahan ay maalmaha soo socda ka ambabixi doonaan Brindisi, iyagoo wada gargaar dheeri ah, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 42 tan.

Janez Lenarčič, Wakiilka Maareynta Dhibaatooyinka, ayaa yiri: “Howlgalkan Samafalka EU wuxuu ku taageeri doonaa jawaabta coronavirus-ka ee Soomaaliya. Intaa waxaa dheer, hay'adaha samafalka in ay qaadaan saadyo ay ugu baahan yihiin in lagu xoojiyo mashaariicda ay ka wadaan degaannadii dhowaan ay daadadku ku dhufteen ee Soomaaliya. Iyada oo la eegayo sida degdegga ah ee baahiyaha loo qabo.

Maalgalintan Midowga Yurub waxay gacan ka geysaneysaa xoojinta nidaamka caafimaadka, taageeridda dhaqaalaha xilliyadan adag, tababarka shaqaalaha caafimaadka iyo xoojinta nidaamyada taageerada bulshada.

Midowga Yurub wuxuu hadda shaaciyay € 5.85 milyan oo ah barnaamij horumarineed si kor loogu qaado u diyaargarowga coronavirus, wax ka qabashada, iyo yareynta dadka gudaha ku barokacay (IDPs) iyo dadka ku nool xaaladaha ugu nugul ee Muqdisho.

Barnaamijkan ayaa lagu salayn doonaa shaqada hore iyo kuwa socda ee xallinta xalalka waara ee hoos yimaadda Sanduuqa EU Trust ee Afrika kaasoo taageeraya maamulada magaalooyinka inay u fidiyaan adeegyada aasaasiga ah ee dadka Gudaha Ku Barokacay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]