4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2020
Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Horufadhi
 

Axad, July 5, 2020 (HOL) - Dagaalkan oo u dhexeeya laba beelood oo xinif colaadeed beryihii la soo dhaafay u dhaxeysay ayaa waxa wararka hordhaca ahi sheegayaan in hal qof ku dhintay afar kalena ku dhaawacmeen.

Dagaalkan oo maanta gelinkii danbe ka bilaabmay duleedka Horufadhi oo waqooyi bari kaga quman Buuhoodle ayaa la sheegayaa in sababtiisa ay lahayd nin habeenimadii xalay lagu diley magaalada Buuhoodle.

Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah ayaan weli si buuxda loo ogayn khasaaraha dhabta ah waxase ay noo xaqiijiyeen in rasaastii ay joogsatey, iyadoo ciidamadii ay beeluhuna ay dib u kala fadhiisteen aadse looga cabsi qabo in dib uu u bilaabmo.

Dagaalkan ayaa dhabarjab ku ah gogol nabadeed oo labada beelood haatan lagu dhexdhexaadinayey, iyadoo ay halkaas ku sugan yihiin madax-dhaqameed, cuqaal, culimo iyo waxgarad si ay xal uga gaadhaan xiisadan oo mudo dheer soo noqnoqtay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood G. Sool