4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2020
Duulimaadyada gudaha Soomaaliya oo maanta dib u bilaabanaya tan iyo bishii march
 

Axad, July 5, 2020 (HOL) - Duulimaadyada maxalliga ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay dib u bilowdaan, kadib markii bishii march ee lasoo dhaafay ay dowladda Soomaaliya u joojisay sababo la xidhiidha xakamaynta faafitaanka cudurka Coronavirus.

Kulankii Golaha Wasiirrada ee khamiistii lasoo dhaafay ee uu shir-guddoominayey Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa lagu ogolaaday in shanta bisha july dib-loo furo duullimaadyada gudaha si loo fududeeyo qulqulka safarka dadweynaha.

Waxay golaha wasiiraddu ogolaadeen in hal duulimaad maalin walba tagaan gobolada, taaso ah mid aad uga kooban sidii hore. Waxayna dowlada ku macnaysay mid tijaabo ah oo looga gaashaamanayo qatarta faafitaanka cudurka covid19.

Dhammaan garoomada diyaaradaha ayaa isku diyaarinayo inay markii ugu horeysay ay soo dhoweeyaan duulimaadyada dadweynaha oo muddo hakad ku jiray.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]