3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2020
Baarlamanka aqalka hoose ee Soomaaliya oo ka doodaya maanta dib u eegista miisaaniyadda sanadkan 2020
 

Sabti, July 4, 2020 (HOL) - Xildhibaannada Baarlamanka Aqalka hoose ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay ka doodi doonaan arrinta la xiriirta dib ugu noqoshada miisaaniyadda sanadka 2020-ka oo ay horay usoo meelmariyeen Golaha wasiirrada ee dowladda.

Kulan oo dhacaya maanta oo sabti ah ayaa waxaa la saadaalinayaa in mudanayaasha Golaha aqalka hoose ee dalka, ayaa isla eegi doona ajandahaas oo muhiim u ah wasaaradda maaliyadda dalka, wasiirradana ay horay uga doodeen.

Qaar kamid ah mudanayaasha oo la hadlay Hiiraan Online ayaa waxay sheegeen in xalay ay soo gaartay farriinta, ajandahaanna uu horay usii yaallay.

Maalmihii lasoo dhaafay Baarlamanka aqalka hoose ee dalka ayaa waxa uu yeelanayay kulamo badan, iyadoo ajandayaal bandanna uu ka dooday , dhowr sharcina uu meel mariyay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/4/2020 10:56 AM EST
Sabti, July 4, 2020 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa si kulul u cambaaraysay xadgudubyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo saxaafadda xorta ah ee Somaliland, kadib markii dhowaan Soamliland ay xirtay labo talefishin oo madax bannaan.

7/4/2020 9:52 AM EST
Sabti, July 4, 2020 (HOL) - Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Soomaaliya ayaa Iiraan ka codsatay inay soo bandhigto macluumaad dheeri ah oo ku saabsan howlaha maraakiibteeda ay ka wadaan Badweynta Hindiya ka dib markii dhowr ka mid ah lagu arkay biyaha Soomaaliya iyo Yemen.

7/4/2020 4:14 AM EST
Sabti, July 4, 2020 (HOL) - 16,500 arday oo ka socda fasalada 4-aad ee dugsiyada sare iyo fasalada 8-aad ee dugsiyada dhexe ee Puntland ayaa saakay u fariistay imtixaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2019/2020.

7/4/2020 4:06 AM EST
Sabti, July 4, 2020 (HOL) - Tafaasiisha uu bixiyay booliska Soomaaliya ayaa waxay muujineysaa in aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqtay qaraxii saakay lala eegtay xarunta laanta canshuuraha booliska ee magaalada Muqdisho oo ku taalla degmada Xamar jajab.

7/4/2020 3:54 AM EST
Sabti, July 4, 2020 (HOL) - Sida ay HOL u xaqiijiyeen ilo madax bannaan ku sugan duleedka magaalada Baydhabo inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhintay, tira kalana way ku dhaawacmeen qarax loo badinayo in uu yahay mid dhulka lagu aasay oo ka dhacay bar koontarool oo lagasoo galo magaalada.

7/4/2020 2:47 AM EST
Sabti, July 4, 2020 (HOL) - Wax-garadka iyo odoyaasha degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay madaxweynaha Maamulka Galmudug, ku xigeenkiisa iyo wasiirka amniga ku wareejiyeen hub iyo sidoo maleeshiyaad qeyb ka noqon doono ciidamada maamulkaasi.

7/4/2020 2:18 AM EST
Sabti, July 4, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha dallada ururada Soomaalida Netherland ay ku mideysan yihiin ee FSAN Ali Abdi Ware ayaa la gudoonsiiyey abaalmarinta boqortooyadda Netherlands.

7/4/2020 2:08 AM EST
Sabti, July 4, 2020 (HOL) - Gaari lagsoo buuxiyay wax-yaabaha qarxa ayaa saakay abbaare 8:45 am (Aroornimo) lagu qarxiyay waaxda ilaalada canshuuraha barriga ee magaalada Muqdisho oo ku taalla degmada Xamar jajab gaar ahaan meel ku dhow agagaarka dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.