4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2020
Maareeyaha hay'adda batroolka dalka oo la magacaabay
 

Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Golaha wasiirrada ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta Maareeyaha hay'adda batroolka ee dalka u magacaabay Ibraahim Cali Xuseen.

Wasiirrada oo maanta oo Khamiis ah ku shiray Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha batroolka,  waxaana la isla gartay in Soomaaliya ay yeelato hay'adda batroolka sida HOL ay usheegeen Ilo lagu kalsoonyahay.

Ibraahim Cali Xuseen ayaa durbaba loo magacaabay xilkaas. Waxa uuna horay u ahaa la taliye sare oo ka tirsan wasaaradda batroolka.

Hay'adda loo magacaabay inuu maareeye ka noqdo ayaa ah mid cusub,  iyadoo la eegi doono shaqooyinka ay la timaado.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]