4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2020
Xasan Shiikh “Guddoomiyaha Baarlamanka farriin nooma sidin, innagana mid kale uma dhiibin”
 

Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyay kulan isaga iyo madaxweynihii ka horreeyay Shariif Shiikh Axmed ay la yeesheen Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya 28-ka, bishan July, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay  in uusan jirin ajende gaar ah oo ay ka wada hadleen iyaga iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.

“Waxaan u sheegayaa dadka Soomaaliyeed iyo kuwa isoo wacayba in uusan jirin Ajande gooni ah oo aan ka wada hadalnay Guddoomiyaha Baarlamanka, ma jirin farriin uu innoo siday , innagana uma dhiibin farriin kale” ayuu Xasan Shiikh Maxamuud ku yiri hadalkiisa .

Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday in Guddoomiyaha Baarlamanka uu kamid yahay madaxda qaranka ee Soomaaliya, horayna ay dhowr jeer u kulmeen.

Mar uu ka hadlayay arrimaha doorashada ayaa waxa uu sheegay in uusan jirin wax iska bedalay mowqifkoodii ahaa in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda dhacda oo ku timaada is-ogol siyaasadeed.

“Ma jiraan wax iska bedalay mowqifkeennii doorashada, waxaana aaminsanahay haddii talooyinkeenna la qaato in la qaban karo doorasho wanaagsan” ayuu mar kale yiri Xasan Shiikh Maxamuud.

Ugu dembeyn wuxuu bogaadayay shirkii ka dhacay dhuusamareeb, isagoo soo dhoweeyay g’aannadii la isla qaatay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]