3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 3 , 2020
Wafdi ka socda Kenya iyo madaxweynaha Somaliland oo Hargeysa ku kulmay
 

Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Kenya oo muddo laba maalin ah ku sugnaa magaalada Hargeysa sida ilo ku dhow ay u sheegeen HOL.

Wafdigaan oo isugu jira mudanayaal Baarlamaan , siyaasiyiin iyo maalgashadayaal ayaa waxaa hoggaaminaya xildhibaanka Jineyd Maxamed oo laga soo doorto bariga Sunna ee dalka Kenya .

Labada dhinac ayaa intii uu kulanka socday waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac, maal-gashiga , ganacsiga iyo wada-shaqeynta sida HOL ay u xaqiijiyeen xubnihii ku dhowaa madaxtooyada Somaliland ee nala hadlay.

Wafdigaan ayaa daba socda wafuud dhowr ah oo ay horay Somaliland ugu dirtay Kenya , xukuumadda Nairobi illaa iyo hadda ma jiraan xog ka timid  dhinacooda oo lagu faah-faahinayo socdaalka wafdigaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/3/2020 2:03 PM EST
Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Hay’adda xuquuda aadanaha Amnesty International ayaa waxay warbixin kasoo saartay xaaladda suxufiga bilooyinka ku xiran magaalada Muqdisho Maxamed Cabdiwahaab Nuur “Abuuja”.

7/3/2020 10:38 AM EST
Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa waxa uu ka hadlay arrinta metalaadda siyaasadda ee Gobolka Banaadir, waxa uuna sheegay in xildhibaannada aqalka hoose ee qaranka ay sameeyeen ansixin taariikhi ah, oo wax weyn uga dhigan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Soomaaliya.

7/3/2020 7:49 AM EST
Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Sharikadda duulimaadka ee Turkish Airlines ayaa qorshaynaysa inay dib u bilawdo duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Afrika, oo ay kujirto magaalada Muqdisho, taasoo bilaaban doonta usbuuca soo socda.

7/3/2020 6:51 AM EST
Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo deegaanka Cabdalle Biroole ee duleedka Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in hoobiyayaal lagu weeraray saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin halkaasi.

7/3/2020 6:35 AM EST
Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed oo xalay ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay shirka dhowaan lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ee u dhexeeyo madaxda dowladda Faderaalka ah iyo mas’uuliyiinta sare ee Maamul Goboleedyada.

7/3/2020 6:16 AM EST
Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu sheegay in ay tahay wax aan la aqbali Karin, in marka lasoo gaaro waqtiyada kala guurka ah Baarlamanka dalka awooddiisa la dhimo oo masiirka qaranimada iyo jiheynta aayaha dowladnimada loo doonayo 10 ruux oo keliya, taas oo ka horimaaneyso hannaanka dowladnimada sida uu sheegay.

7/3/2020 6:10 AM EST
Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa dowladda federalka ugu baaqay inay talada dib ugusoo celiso shacabka haddii ay ku fashilantay in la qabto doorasho waqtigeedii ku dhacda.

7/3/2020 6:08 AM EST
Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federalka iyo maamulka Puntland iyo Senataro ayaa madaxweyne Deni ugu baaqay inuu ka qeyb galo shirka wadatashiga doorashada ee Muqdisho ka dhacayo.