4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 3 , 2020
Xasan Sheikh: Dariiqa kaliya ee dowladda hadda u furan waa inay talada dib ugusoo celisaa daneeyayaasha doorashada
 

Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa dowladda federalka ugu baaqay inay talada dib ugusoo celiso shacabka haddii ay ku fashilantay in la qabto doorasho waqtigeedii ku dhacda.

Xasan Sheikh ayaa sheegay dowladdu inay ka faa’idaysan weyday muddadii loogu talo galay in lagu qorsheeyo doorashada, sidaas darteedna ay ku qasban tahay in talada lagusoo celiyo dowlad goboleedyada, xisbiyada iyo ururada bulshada, si looga tashado dariiqa ugu haboon doorashada.

“Dowladdu waxay haysataa fursad ah “Sideen wax yeelnaa”? Haddii taladaas ay ku dhaqaaqdo si la yeelo lama weynayo, doorashadana waa la qabanaa iyadoo raalli laga wada yahay,” ayuu yidhi Xasan Sheikh.

Xasan Sheikh ayaa kamid ah siyaasiyiinta kasoo horjeestay talo soo jeedintii guddiga doorashada ee ahayd in dib loo dhigo doorashada waqtigeeda.

Talo soo jeedintaan waxay hortaalaa barlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo la filayo inay todobaadka soo socda go’aan rasmi ah ka garaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]