4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 25, 2020
Wasiir Maareeye “Axsaabta mucaaradka ah ee dalka ayaa qeyb ka noqon doona shirka Dhuusamareeb ka dhici doona”
 

Sabti, Luulyo 25, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in shirka loo ballansanyahay bartamaha bisha Agoosto ay ka qeyb-gali doonaan axsaabta mucaaradka ah ee dalka, si ay talo ugu yeeshaan hannaanka  ay noqonayaan doorashooyinka dalka ka dhici doona .

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay dood ka baxaysay telefashinka qaranka ee Soomaaliya.

“Dhammaan dhinacyadii ku kulmay Dhuusamareeb waxay ahaayeen dowladda iyo maamullada ka tirsan madaxdooda, laakiin hadda waxaa qeyb ka noqon doona Xisbiyada mucaaradka ah ee dalka” ayuu yiri wasiir Maareeye.

15-ka bisha Agoosto ayaa waxaa lagu wadaa in madaxda maamul goboleedyada iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iney yeeshaan kulan lagu go’aamin doono nooca doorasho ee la rabo iney Soomaaliya gasho.

Lama oga in hadalka wasiir Maareeye ay soo dhoweyn doonaan dhammaan xisbiyada sida KMG ah u diiwaan-gashanm hase-ahaatee waxay badi soo dhoweeyeen qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]