3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 24, 2020
Puntland oo magacowday xubnaha u matalaya guddiga farsamo ee loo xilsaaray kasoo talo bixinta doorashooyinka
 

Jimco, Luulyo 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay labo xubnood oo Puntland u matalidoona guddiga farsamo ee kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka Doorashooyinka Soomaaliya.

Dhismaha guddigaan ayaa qeyb ka ahaa war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah kuna qabsoomay magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, 22 Luulyo, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisu ahaa in hannaanka doorashada lagu heshiiyo.

Madaxweyne Deni ayaa labadan xubnood u kala magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland iyo Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Puntland.

Guddigan ayaa shaqadoodu tahay inay talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka horgeeyaan shirka labaad ee la isugu imaandoono Magaalada Dhuusamareeb muddo labo toddobaad gudahood ah si loo dhammeystiro geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/24/2020 11:17 AM EST
Jimco, Luulyo 24, 2020 (HOL) - Warsaxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagusoo dhoweeyay kulankii madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladdaha Xubnaha ka ah ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb, iyagoo sheegay inuu yahay dib u billaabashadii aadka looga dhursugayay ee wadashaqeyn wax ku ool ah oo dhexmarta madaxda DFS iyo DXF.

7/24/2020 9:23 AM EST
Jimco, Luulyo 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba gabeeyay Safar uu ku joogay Galmudug isagoo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubbaland.

7/24/2020 8:57 AM EST
Jimco, Luulyo 24, 2020 (HOL) - Munaasabad ay soo qaban-qaabiyeen dhalinyaro aqoonyahanno ah oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana lagusoo dhoweynayay maareeyaha cusub ee hay’adda duulista rayidka ah Axmed Macallin Xasan oo dhowaan xilkaas loo magacaabay.

7/24/2020 5:39 AM EST
Jimco, Luulyo 24, 2020 (HOL) - Taiwan ayaa bilaabi doonta inay siiso deeqo waxbarasho ardayda Somaliland ee ka qalin jabiya jaamacadaha sanadka soo socda.

7/24/2020 4:50 AM EST
Jimco, Luulyo 24, 2020 (HOL) - Sida ilo lagu kalsoonyahay u sheegaan Hiiraan Online, waxaa shalay laga celiyey hawada Soomaaliya diyaarad ay leedahay shirkadda duullimaadyada Jetways oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya.

7/24/2020 4:00 AM EST
Jimco, Luulyo 24, 2020 (HOL) - Mas’uulkii labaad oo Soomaali ah ayaa isbuuc gudahii mar kale beeniyay warar ay qoreen Wargeysyada dalka Kenya oo la xiriira in diyaaraddii xamuulka aheyd oo 14-kii bishaan ku bur-burtay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne uu sababay dameer soo galay waddadii ay ku carari laheyd .