4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 24, 2020
Diyaarad laga leeyahay Kenya oo dib looga celiyay hawada Soomaaliya
 

Jimco, Luulyo 24, 2020 (HOL) - Sida  ilo lagu kalsoonyahay u sheegaan Hiiraan Online, waxaa maalintii shalay hawada Soomaaliya laga celiyay diyaarad ay leedahay shirkadda duullimaadyada Jetways oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya.

Diyaaradda oo sidday illaa iyo 80 rakaab ah ayaa waxaa soo kireeyay safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya, waxayna sidday rakaab  u badan muwaadiniin Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in sababta dib loogu celiyay ay tahay Khaad lagusoo qariyay dayaaradda.

Mas’uuliyiinta shirkadda diyaaradda iska leh ee Jetways oo markii ay diyaaradda duushay helay xogta ah in Khaad la saaray ayaa la xiriiray hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee Kenya “KCAA”, balse xilliga Kenya ay xiriirka lasoo sameeyay diyaaradda waxay kasoo baxday hawadeeda, waxayna usoo gudubtay dhinaca hawada dalka Soomaaliya.
 
Hay'adda duulista raydka ee dalka Kenya ayaa si toos ah ula soo xiriiray hay'adda duulista raydka ee dalka Soomaaliya kana codsaday in dayaaraddaas dib loo soo celiyo.
 
Dayuuraddaan oo ah nooca Fokker MK70 kuna diiwaan gashneyd  5Y-JWF ayaa duulimaadkeedii si caadi ah u waday ka dib markii laga dajiyey QAADKII lagu soo qariyey.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday Jaadka , inta lagu guda jiro la dagaallanka xanuunka COVID-19.

Golaha wasiirrada ayaa horay sharcigaasi u meel mariyay, iyadoo diyaaraddii Khaad keenta Soomaaliya ay wajaheyso ciqaab adag oo saameyn ku yeelan kareysa ganacsigeeda.



Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]