4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2020
Urur udooda xuquuqda naafada Soomaaliyeed oo cambaareeyay dilkii gudoomiyihii naafada Baydhabo
 

Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Shabakada Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed ee SODEN ayaa cambaaraysay dilkii naxariis darada ahaa ee loo geystey gudoomiyihii kooxaha naafada ah ee Baydhabo, Shariif Mukhtaar oo ahaa nin curyaamiinta kamid ah.

Shariif Mukhtaar wuxuu door muhiim ah ka qaatay dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha wuxuuna si firfircoon ugu doodi jiray xuquuqda dadka naafada ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Wuxuu ku noolaa mid ka mid ah xerooyinka Dadka Gudaha Ku Barakacay ee magaalada Baydhabo markii kooxda Al-Shabaab ay dileen intii uu guriga kula jiray qoyskiisa.

“Ficil kasta oo naxariis daro ah oo Al-Shabaab kula kacdo dadka naafada ah waa weerar ka dhan ah aadanaha. Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan dadka naafada ah ee ku nool Soomaaliya iyo difaacayaasha xuquuqda aadanaha, waxaan si adag u cambaareyneynaa dilkan loo gaystey ninkan aan waxba galabsan ee aan waligiis la shaqeynin hey'ado dowladeed,” ayaa lagu yidhi warbixinta kasoo baxday SODEN.

SODEN waxay sheegtay Ficil kasta oo argagixiso oo lagula kaco dadka sida Shariif Mukhtaar oo kale, in aysan horjoogsan doonin istaraatiijiyadooda ku aaddan u doodidda xuquuqda dadka naafada ah.

Sharif Mukhtaar wuxuu muddo dheer xubin ka ahaa Shabakadda Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed (SODEN. Wuxuu u horseed u noqday hogaaminta dadka aadka ugu baahan cadaalada bulshada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]