3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 15, 2020
AMISOM oo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ka hor istaagtay inuu galo garoonka diyaaradaha Beledweyne
 

Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxa uu sheegay in maanta ay Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne  ka hor istaageen Ciidamada AMISOM , gaar ahaan kuwa Jabuuti, xilli uu doonayay inuu soo dhoweeyo wafdi xaqiiqo raadin ah, oo doonayay iney baaritaan ku sameeyaan sababihii keenay iney bur-burto diyaaraddii shalay ku gubatay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif.

Cali Jeyte Cismaan oo wareysi gaar ah oo khadka taleefanka ah siiyay HOL ayaa waxa uu intaa ku daray, inuu arrintaas u gudbiyay maamulka sare ee Hirshabeelle iyo madaxda sare ee ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya ” AMISOM”.

“Sida uu qorshuhu ahaa waxaan rabnay ka maamul ahaan inaan soo dhoweyno wafdiga uu hoggaaminayay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo maareeyaha hay’adda duulista rayidka ah Axmed Macallin ,oo labadaba u yimid Beledweyne iney baaritaan ku sameeyaan sababaha keenay shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay garoonka Beledweyne “ ayuu Guddoomiye Cali Jeyte u sheegay Hiiraan Online.

“Waxaa nasiib-darro aheyd iney aniga iyo mas’uuliyiintii kale ee ila socotay iyo weliba ilaaladeydii ay Ciidamadaasi diidaan inaan gudubno oo aan galno Airpor-ka” ayuu mar kale sheegay guddoomiye Jeyte.

Inkastoo goor sii horreysay mas’uuliyiinta wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ay sheegeen iney la kulmi doonaan maamulka Gobolka Hiiraan, haddana lama oga waxyaabaha qasbay in guddoomiyaha laga hor-istaago inuu garoonka galo.

Ma jiraan illaa iyo hadda war kasoo baxay Ciidamada AMISOM oo ku aaddan falkaasi maanta dhacay .

Dhinaca kale Hiiraan Online isku dayo xiriirro ah oo la sameysay madaxda ciidamada Jabuuti ayaa innoo suura-galin inaan helno.

Diyaaradda shilka ku gashay garoonka magaalada Beledweyne ayaa waxaa laga leeyahay Waddanka Kenya, waana nooca xamuulka qaada. Waxaana rarka ay wadday kasoo baxayay warar is khilaafsan.

Ila-wareedyada ku sugan maagalada Beledweyne ayaa HOL u xaqiijiyay iney sidday sahay ciidan oo ay Jabuutiyaanku leeyihiin, halka xoga kale ay tilmaamayaan iney wadday gar-gaar. Lama oga halka khilaafka maamulka Gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti u dhexeya uu gaari karo, waxaana la’ eegayaa sida Dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo AMISOM  arrintaan xal uga gaaraan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/15/2020 11:01 AM EST
Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Al-shabaab ayaa waxay xalay hoobiyayaal ku garaaceen deegaanka Halgan oo hoos yimaada degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare maaliyadeed oo ka dhashay weerarkaasi.

7/15/2020 8:54 AM EST
Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Dowladda Faredaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay magaalada Beledweyne u direysaa wafdi xaqiiqo raadin ah oo baaritaan kusoo sameyn doona waxyaabaha keenay diyaaraddii ku bur-burtay shalay garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne .

7/15/2020 8:19 AM EST
Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa waxa uu kasoo horjeestay qaar kamid ah qodobadii kasoo baxay shirkii madaxda maamul goboleedyada dalka ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb.

7/15/2020 5:10 AM EST
Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad gooleedyada Somaaliya ayaa Garowe ka dagay iyagoo ka qeyb galaya aaska loo sameynayo madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

7/15/2020 4:45 AM EST
Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Diyaarad siday Maydka madaxweynihii hore ee Puntland marxuum Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka degtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

7/15/2020 2:35 AM EST
Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in gobolka Hiiraan laga waayay hal dab damis oo lagu damin lahaa diyaarad maalintii shalay ku gubatay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

7/15/2020 1:49 AM EST
Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hoyga uu ka deggan yahay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Madaxda dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Koofurgalbeed iyo Jubbaland.

7/15/2020 1:08 AM EST
Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gudiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka Soomaaliya xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” ayaa waxay ka hadashay hadalkii dhowaan kasoo baxay madaxda maamul Goboleedyada dalka, ee ahaa in Soomaaliya aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta .

7/15/2020 1:04 AM EST
Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Suxufigii caanka ahaa ee reer Masar Mohamed Monir ayaa u dhintay xanuunka Covid-19, sida gabadhiisa ay u xaqiijisay weriyayaasha .

7/15/2020 1:02 AM EST
Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Waxaa dalka Kenya aas loogu sameeyay dhakhtarkii ugu horreeyay ee u dhintay xanuunka Covid-19, iyadoo munaasabadda aaska ah ay kasoo qeyb-galeen xubno kamid ah qoyska dhakhtaradda geeriyootay ee Doreen Adisa Lugaliki iyo saaxiibadeedii shaqada .