4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 14, 2020
Maxkamadda Gobolka Banaadir “ Dacwadda loo haaysto weriye Gurbiye waa qabyo, waa iney xeer-ilaalinta soo dhameystiraan”
 

Talaado, Luulyo 14, 2020 (HOL) - Waxaa maanta mar kale maxkamadda Gobolka Banaadir kasoo hor muuqday Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah agaasime ku xigeenka Warbaahinta Goobjoog Media Group ee magaalada Muqdisho. oo horay loogusoo jeediyay eedeyn ka dhan ah howlahiisa shaqada.

Maxkamadeynta maanta oo aheyd markii labaad ayaa waxa uu garsoorku sheegay iney awood u leeyihiin iney galaan kiiskan, kaas oo ay horay is-hortaag ugu sameeyeen qareennada difaacaya weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye .

Garsoorka maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mar kale dib u dhigay  in go’aan laga gaaro kiiskan saxafigan ,kadib markii ay sheegeen in xeer ilaalinta dacwada ay keeneen uusan ka muuqan cidda sida tooska ah uga ashtakooneysa weriyaha . waxaana xeer ilaalinta laga dalbaday iney kiiska dhankooda ka yimid ay soo qabya tiraan.

Abuukaataha Weriye Gurbiye, Daahir Maxamed Carab ayaa  dhageysiga kiiska kadib , saxafiyiinta u sheegay in maxkamadda ay ka rajeynayaan cadaalad.

Ururrada warbaahinta u dooda  Soomaaliya ee SJS IYO SOMA oo qareenka u qabtay weriye Gurbiye ayaa dhinacooda soo dhoweeyay tallaabada uu maanta ku dhaqaaqay garsoorka maxkamadda Gobolka Banaadir.

14-dii, April, ee sanadkan ayaa waxaa weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye looga yeeray saldhigga degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, afar maalin oo xarig ah kadib waxaa lagusii daayay damaanad.

Soomaaliya, waxay saxafiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta la kulmaan dhibaatooyin xooggan oo mararka qaar saameysa madax bannaanida wararka iyo Barnaamijyada, waxayna taasi keentay in qaar kamid ah suxufiyiinta ay isaga cararaan dalka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]