4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 14, 2020
Gabadh caan ah oo uu dhalay Nelson Mandela oo Johannesburg ku geeriyootay
 

Talaado, Luulyo 14, 2020 (HOL) - Danjirihii South Afrika u fadhiyay Denmarka ayaa ku dhimatay magaalada Johannesburg, iyada oo jirta 59 sano, sida xubno kamid ah qoyskeeda u xaqiijiyeen warbaahinta dowladda ee SABC.

Danjire Zindzi Mandela oo aheyd gabadhii hoggaamiyihii la dagaallamay xukunkii midab-takoorka iyo madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah oo hoggaamiyay dalka Koonfur Afrika Nelson Rolihlahla Mandela ayaa waxay noqotay mid geerideeda ay si weyn uga naxeen shacabka waddankaas

Waxay aheyd gabadhii ugu yareyd oo ay Mandela u dhashay xaaskiisii ku garab istaagtay hammigiisii gobonima doonka Nomzamo Winnie Madikizela.

Danjire Zindizi ayaa waxay aheyd haweeney aad loo ixtiraamo waxayna horay u aas-aastay dhowr haay’adood oo ka shaqeeya arrimaha samafalka oo aabbaheed loogu magac daray, kuwaas oo dhammaan ka shaqeeya gudaha Koonfur Afrika.

Qoraal uu soo saaray madaweynaha South Afrika Ramaphosa ayaa waxa uu warqad uu soo-saaray ku sheegay inuu aad uga walaacay geeridaas, wuxuuna tacsi u diray shacabka dalkaasi, gaar ahaan qoyska madaxweynahii hore ee Nelson Mandela.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]