3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 11, 2020
Taalladii Haila Selessie ee London oo dib loo dhisayo
 

Sabti, Luulyo 11, 2020 (HOL) - Safaaradda dalka Itoobiya ee magaalada London ayaa waxay sheegtay iyadoo kaashaneysa Jaaliyaddeeda waddankaasi iney dib usoo celin doonto taalladii Boqor Haile Selessie oo ku taallay magaaladaas, taas oo isbuucii lasoo dhaafay ay bur-buriyaan dad careysan oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada .

Dadka taallada jajabiyay ayaa waxay  ka careysnaayeen dilkii loo geystay Fannaankii caanka ahaa  ee Hachalu Hundessa, kaas oo isbuucii tegay lagu toogtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Dhimashada Fannaankaasi kadib, dad badan oo taageerayaashiisa ah ayaa dibad-baxyo rabshado wata waxay ka dhigeen Addis Ababa iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Itoobiya, waxaana lasoo bandhigay muuqaallo muujinaya gacan ka hadal  u dhex-marayay ciidamada booliska iyo dadkaas.

Dibad-bax ayaa sii xoogeystay, waxa uuna u gudbay qaaradda Yurub iyadoo boqollaal dhalinyaro Oromada kasoo jeedo ay beegsadeen taalladaasi oo ay baabi’yeen. Iyadoo ciidamada Booliska Ingriisku ay sheegeen iney baarayaan falkaas.

 Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/11/2020 9:57 AM EST
Sabti, Luulyo 11, 2020 (HOL) - Laba gaadhi oo Ambalaas agabkoodu u dhan yahay iyo agab caafimaad oo kale ayaa maanta la soo gaadhsiiyey isbitaalka guud ee Laascaanood.

7/11/2020 9:06 AM EST
Sabti, Luulyo 11, 2020 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa oo maanta guddoomiyay kullanka bilaha ah ee Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa soo bandhigay qorshayaasha ugu weyn ee xilligan ay diiradda saarayaan.

7/11/2020 8:56 AM EST
Sabti, Luulyo 11, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay shirka Dhuusomareeb in looga tashanayo sidii ay Soomaaliya uga dhici lahayd doorasho xor iyo xallaal ah.

7/11/2020 6:07 AM EST
Sabti, Luulyo 11, 2020 (HOL) - Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa sheegay sababta ay Puntland ciidamo aad u badan u geysay Dhuuso mareeb, ay tahay sidii maamulka Puntland uga qeyb qaadan lahaa sugida amniga shirka Dhuusomareeb..

7/11/2020 2:20 AM EST
Sabti, Luulyo 11, 2020 (HOL) - Iska hor imaad u dhexeeya ciidanka amniga Puntland iyo Maleeshiyaad is-aruursaday ayaa mar kale saakay dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

7/11/2020 1:41 AM EST
Sabti, Luulyo 11, 2020 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo shirka madaxda Maamul Goboleedyada dalka, waxaana lagu wadaa in lagusoo qaado ajendayaal dhowr ah, oo dhammaantood diiradda lagu saarayo xaaladda kala guurka ah ee waddanka.

7/11/2020 1:18 AM EST
Sabti, Luulyo 11, 2020 (HOL) - Waxaa saakay ka billaabanaya magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobollada dalka imtixaanaadkii Shaaddiga ahaa ee dugsiga hoose, iyadoo lagu wado iney arday badan u fadhiistaan.