3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2020
Cabdiraxmaan Cabdishakuur: gobolka Banaadir uma baahna Senatoro lasoo magacabo wuxuu u baahan yahay golayaal shacabku soo doortaan
 


Arbaco, July 1, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka wadajir, siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay gobolka Banaadir in uusan u baahnayn Senatoro lasoo magacaabo, balse uu u baahan yahay golayaal degaan oo heer federal ah.

Gudoomiyaha Wadajir ayaa sheegay 13-ka kursi ee barlamaanku u meel mariyay matalaada aqalka sare ee gobolka Banaadir in aysan waxba soo kordhindoonin islamarkaana ujeedada laga leeyahay ay tahay olole doorasho.

“Haddii Muqdisho lala doonayo horumar waa inay heshaa golayaal degaan oo ay dadku soo doortaan oo lala xisaabtami karo waxna ka qaban kara dhibaatooyinka haysta shacabka gobolka Banaadir ee maalin walba canshuurta lagu kordhinayo jidadkana laga xirto,” ayuu yidhi siyaasi Cabdiraxmaam Cabdishakuur.

Cabdiraxmaam Cabdishakuur wuxuu sheegay guddonka barlamaanka Soomaaliya in sanad kahor loosoo gudbiyay mooshin ku saabsan in ay Muqdisho hesho maqaamka iyo matalaad dhab ah, balse wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in guddoonka barlamaanka uu diiday in laga doodo mooshinkaas.

“Siyaasadu waa game, anigu waxaan leeyahay xildhibaanow haddaad Muqdisho u hiilinaysaan soo saara mooshinka ay hoosta ku haystaan Muudeey iyo Mursal, markaas ayay Muqdisho helaysaa matalaadii dhabta ahayd.

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir wuxuu tilmaamay dad badan oo uu kamid yahay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir inay xilakoodiii ku waayeen iyagoo raadinaya Muqdisho maqaamkeeda.

” Muqdisho dadkii matalaada u raadinayay waala raacdeeyay, xildhibaanadiina mooshinkii hoosta ayaa laga dhigtay. Anagiina waxaa nala leeyahay Muqdisho kuraas ayaan idin siinay. Dad badan ayaa igu yidhi, Cabdiraxmaanow doorasho ma rabtid miyaa? maxaad tolkaaga iskugu diree? Anigu tolkayga hadday rabaan wax dastuurka khilaafsan, anigu waxaan ka shaqeeyaa in la helo wax is-waafaqsan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/1/2020 5:05 AM EST
Arbaco, July 1, 2020 (HOL) - Munaasabad si heer sarre loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay sanad guuradii 60 aad ee ka soo wareegtay markii xornimadda ay qaateen gobollada koofureed iyo midowgi labadda gobol ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

7/1/2020 3:49 AM EST
Arbaco, July 1, 2020 (HOL) - Senator Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo katirsan barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa sheegay Muqdisho in aysan u baahnayn in daaraheeda burburay la qurxiyo, balse ay u baahan tahay in nabadeeda la qurxiyo.

7/1/2020 1:12 AM EST
Arbaco, July 1, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo baaqii kasoo baxay barlamaanka Puntland ee ahaa in uusan ka qeyb galin shirka Muqdisho ka dhacaya.