4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 9 , 2020
Ciidamada Dowladda oo baaritaanno ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Janaayo, 09, 2020 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgalo gaar ah oo lagu suganayo nabad-galyada ka sameeyay qeybo ka mid ah xaafadda magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa imanaya xili maalintii shalay magaalada Muqdisho uu ka dhacay Qarax sababay ugu yaraan dhimashada Shan ruux oo ay ka mid yihiin Agaasimayaal.

Dadka ku dhaqan degmooyinka iyo xaafaddaha howlgalkan laga sameeyay ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa qaraxyo ay adeegsadeen ciidamada howlgalka ku jiray.

Dowladda Soomaaliya ayaa siweyn loogu dhaliilay wax ka qabasho la'aanta marka la eego xaalada nabad-galyada magaalada Muqdisho uu ay ka dhaceen Qaraxyo is xig xigay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laamaha Ammaanka oo ku aadan howlgalka gaarka ah ee xalay laga fuliyay xaafado ka tirsan Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]