4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2020
Maraykanka oo digniin u diray muwaadiniintiisa ku sugan Imaaraatka Carabta
 

Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Safaaradda Mareykanka ee UAE ayaa maanta oo talaado ah soo saartay digniin dhinaca amniga ah, iyada oo uga digtay muwaadiniinteeda xiisadaha kacsan ee ka jira gobolka.

Safaaradu waxay kula talisay muwaadiniinteeda Mareykanka inay galaan feejignaan amni oo heer sare ah isla markaana aysan dhayalsan qataraha amni ee ka jira bariga dhexe.

Bariga Dhexe ayaa kacsan kadib markii diyaaradaha cirka ee Mareykanka ay dileen taliyihii ugu sareeyay ciidamada Iran Qassem Soleimani, dilkaas oo jimcihii ka dhacay Baqdaad.

Digniinta, oo lagu daabacay websaydhka Safaaradda Maraykanka iyo kan Wasaaradda arrimaha dibada, ayaa yimid maalin kadib markii muwaadiniinta Mareykan ah e ku sugan Israa’iil loo diray isla digniintaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]