4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2020
Caqabado wali ka taagan dhismaha Baarlamaanka Galmudug

 

Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)-Degmada Dhuusa-Mareeb waxaa wali ka soconaya kulamo loogu gogol xaarayo sidii loo dadajin lahaa dhismaha Baarlamaanka Galmudug oo ilaa iyo hadda aan lagu dhawaaqin liiska xildhibaannada ka mid noqonaya marka laga soo tago 20 ka xildhibaan ee Ahlu Sunna Waljameeca.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ku sugan degmada Dhuusa- Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa halkaa kulan kula leh odayaasha ka soo jeeda qeybo ka mid ah Galmudug kuwaa oo qaba tabashooyin la xiriira habka dhismaha Baarlamaanka Galmudug

Waxaa uu sidoo kala Ra'iisal Wasaare Kheyre uu kala hadlay Odayaashii ay is arkeen dardargalinta guud ahaanba marka la eego dhismaha maamulka Galmudug iyadoo meel leyska dhigayo wixii khilaaf ah ee jira

Kulamada ka socda degmada Dhuusa-Mareeb waxaa qeyb ka ah  Xildhibaannada Baarlamaanka  Federaalka ee laga soo doorto Galmudug, waxaana uu uga mahad celiyay  dadaalka ay u galeen dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Guddiga farsamada maamul  sameynta Galmudug ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqaan Liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Galmudug iyadoo wixii xiligaan ka danbeeya la guda-gali doono doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweynaha .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]