4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2020
Arday Soomaali American oo Safar Abaalmarin Cumro ah u soo dhamaatay Minnesota,VIDEO & SAWIRO

Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Waxaa sanadkii lixaad loo kaxeeyey safar cumro iyo booqashada goobaha taariikhiga ah ee ku yaal magaalooyinka Makah iyo Madiino ardayda kaalimaha hore ka galay tartanka quraanka ee Imaam shaatibi ee sanadlaha ah ee lagu qabto gobolka Minnesota.

Safarkii sanadkaan ayaa hada soo gabagaboobay waxayna ardaydii iyo macalimiintooda iyo qaar ka tirsan waalidiinta ay ku nabad noqdeen goboldii ay ka yimadeen sida Minnesota,Tennessee,Georgia iyo Canada Toronto oo ardaydaan ay tartanka ka soo galeen kaalimo kala duwana ay ku soo guulaysteen.

Safarka Sanadkaan ayaa waxay ahayeen 250 qof waxayna  gudeen Cumro waxaana ay soo booqdeen goobo ay dhalintaan inta badan ka daawan jireen filimada laga sameeyo siirada Nabi Maxamed (nabadgalyo & Naxariisi korkiisa ha ahatee) kana maqli jireen casharada diiniga ah , waxayna booqdeen sida xaramka ilaahay, buurtii ay nabiga iyo axsaabigii Abuubakar ay galeen markii makah baxeen, Buurtii Xira oo ah goobtii uu nabigu ku sugnaa markii ugu horeeysay ee quraan kariimka  ka soo dago , Sidoo kale buurta Carafa, Mina & goobaha Xajka lagu guto.


Magaaladda Madina waxay booqdeen masaajidka nabiga masaajidka Quba,buurta Uxud ,& beeraha Timirta iyagoo dhalintaan goob kasta ay tagaan looga qisoonayey,

Safarkii dhalintaan ayaa ahaa mid ay aad uga masquudeen kuna iloobeen safarkii dheeraa iyo dadaalkii subax kasta ugu soo kacayeen barashada iyo xafidaada Quraanka Kariimka, 

Maalintii ugu danabysay waxay dageen magaaladda Jiddah oo ay ku damaashadeen xeebta magaaladdaas Hotelka wayn ee Bilaad waxayna uga maqsudeen si wayn oo maskaxdoooda aan ka go’ayn 


Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]