4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2020
Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka Golaha Wasiirro Arrimo Dibaddeedka Wadamada Carabta iyo Africa

 

Talaado, Janaayo, 07, 2020 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Golaha Wadamada Carabta iyo Africa ee ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ay martigelisay Boqortooyada Sacuudi Arabiya.

Wasiirrada ayaa waxaa ay saxiixeen cahdiga Golaha oo loogu gogol xaarayo si loo hordhigo Madaxda wadamada si ay u go’aamiyaan.

Isbahaysiga cusub ayaa ka kooban 8 dal oo Carbeed iyo Afrikaan, waxaa ay kala yihiin Soomaaliya, Boqortooyada Sucuudi Carabiga, Masar, Urdun, Suudaan, Yemen, Eritrea iyo Jabuuti.

Wasiirrada ayaa waxaa ay u gudbiyeen u adeeggaha labada xaram ee sharafta leh salaanta ay ka sideen madaxda dalalkooda, halka loo sii dhiibay farriimo ku socoto hoggaamiyeyaasha dowladahooda.

Kulanka ayaa ugu danbeyntii lagu fallanqeeyay arrimo ku aaddan habka lagu horumarin karo iskaashi wadaagga wadamada ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadan si loo xoojiyo nabadgelyada iyo deganaanshaha gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]