4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2020
Khilaafkii ka taagnaa masjidka Towfiiq oo xal laga gaaray
 

Isniin, Janaayo, 06, 2020, (HOL)- Khilaafkii ka dhex taagnaa masjidka Towfiiq ayaa laga gaaray xal, kadib markii midowga masaajida ay Soomaalidu maamusho ee Norway ugu danbeyn ku guuleysteen inay isku keenaan labada koox ee ku muransanaa xukunka masjidka.

Lama sheegin waxa lagu dhameeyay khilaafka hase yeeshee, guddiga arrintaan ku jiray ayaa sheegay in laga heshiiyay wax kaste oo la isku khilaafsanaa, dhawaana lagu dhawaaqidoonaa heshiiska.

Khilaafka ayaa qarka u saarnaa in Norway dalkeeda ka tirtirto urur diimeedka Soomaalida ee gacanta ku hayay masaajidka.

Culimada Masaajidka Abu-bakar Al Sadiiq ee Drammen oo ah masaajidka labaad ee ugu weyn Oslo ee Soomaalidu gacanta ku hayso ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay dhameynta khilaafka.

Qareenada kala matalayay labada dhinac ayaa dhawaan la filayaa inay dowladda ugudbiyaan qoraalka lagu heshiiyay, si ay dowladda uga qaado xanibaada ay ku rogtay taageerada ay siin jirtay masjidka Towfiiq.

Sheikh Mohamed Idris oo kamid ah culimadii wax ka aas aasay masjidkaan ayaa soo dhoweeyay dhameynta khilaafka maamulka, isagoo uga mahad celiyay cid kasta oo kaalin ka qaadatay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]