4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2020
Al-shabaab oo sheegtay qarax Gaalkacyo lagula eegtay sarkaal katirsan ciiddanka isku dhafka Puntland iyo Galmudug
 

Isniin, Janaayo, 06, 2020, (HOL)- Cabdi Casiis Faarax Maxamed (Istakiin) oo ahaa madaxa Saadka ciidamada isku dhafka gobolka Mudug ayaa ku dhaawacmay qarax xalay lagula beegsaday waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa sida ay ku baahisay Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka kooxdaas.

Sarkaalkaan ayaa wararku sheegayaan in gaarigiisa qarax loogu xiray, lana qarxiyay isagoo marayay waqooyiga Gaalkacyo.

Al-shabaab ayaa horey qarax ismiidaamin ah ugu dilay taliyihii ciidanka isku dhafka magaalada Gaalkacyo, Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye). 28i-dii bishii Abril sanadkii 2018.

Tan iyo waqtigaas Al-shabaab ayaa sidoo kale dilal iyo dhaawacyo u geysatay ciidanka isku dhafka, si ay meesha uga saarto jiritaanka ciiddankaas oo loo aas aasay xasilinta magaalada Gaalkacyo.

Waa ciiddanka kaliya ee isaga gudba koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana dhismahooda uu ka dhashay colaadihii Gaalkacyo ka dhacay sanadihii 2015/2016.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]