4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2020
Iiraan oo dib uga laabatay heshiisyadii nukliyeerka
 

Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)- Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday inaysan u hogaansami doonin xayiraad kasta oo lagu soo rogay barnaamijkeeda nukliyeerka.

Hadalkan ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen golaha wasiirada ee dalka Iran oo ka dhacay magaalada Tehran.

Warbixin laga sii daayay telefishanka dowlada ayaa lagu sheegay in wadanku uusan ixtiraami doonin xadidaada ku xusan heshiiska nukliyeerka ee la galay 2015.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Iran ay sii wadi doonto kobcinteeda nukliyeerka iyada oo aan xad lahayn isla markaana lagu salayn doonto baahiyaheeda farsamo.

In kastoo Iiraan ay ka baxayso heshiiska hadana waxay intaas raacisay in ay sii wadi doonto wadashaqeynta ay la leedahay hay'adda ilaalinta nukliyeerka ee Qaramada Midoobay, IAEA.

Midowga Yurub ayaa ku casuumay Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran, Mohammad Javad Zarif, Brussels si ay uga wada hadlaan heshiiska nukliyeerka iyo sidii loo damin lahaa qalalaasaha ka dhashay dilkii Soleimani.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]