4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2020
Puntland oo xukuno kala duwan riday odayaal iyo siyaasiyiin kasoo horjeestay qorshaha Imaaraatka ee Puntland
 

Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)- Maxkamad kutaala magaalada Bosaso ee Puntland ayaa xukunno kala duwan ku riday odayaal iyo siyaasiyiin lagu eedeeyay inay abaabul iyo qalqal galin amni ka wadeen magaalada Bosaso.

Maxkamada ayaa laba sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1000 ku riday Cabdicasiis Bayadhabo iyo Maxamuud Aadan Rooble, kadib markii lagu helay dambiyadii lagusoo eedeeyay.

Maxkamadu waxay sidoo kale saddex bilood iyo ganaax lacageed oo dhan $500 ku riday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Cawad Aadan Maxamed.

 

Odayaashaan oo muddo ku dhow bil ku xirnaa xabsiga Boosaso, ayaa saxaafada kasii daayay warsaxaafadeed lagu cambaareynayay howlaha imaaraatku ka hayo Puntland, sidoo kale waxay odayaasha taageersanayaan dowladda federalka Soomaaliya.

Odayaasha la xukumay ayaa haysta racfaan bil ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]