4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2020
Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin deegaanka Lamu ee dalka Kenya

 

Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)-Xoogagga Al-shabaab ayaa weerar culus subaxnimadii hore ee saakay ku qaaday saldhig ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Lamu ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Weerar Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ayaa ku biloowday Qaraxyo ayaa waaberigii hore ee  saakay waxaana intaa kaddib gudaha u galay saldhig dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab

Saldhiga la weeraray ayaa lagu magacaabaa Camp Simba, waxaana socda dagaal u dhexeeya Ciidanka halkaas  ku sugan iyo Al-shabaab.

Muqaalo laga soo qaaday gudaha saldhiga oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayaa qiic iyo Uura Madoow oo cirka isku  shareertay, waxaana weerarka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo  dhaawac, inkastoo aan weli la xaqiijin inta uu la egyahay.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa... 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]