Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)-
Khilaaf hor leh ayaa muuqda in uu mar kale harreey-nayo qorshaha dhismaha
dowlad gobolleedka Galmudug, kaddib markii madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf
uu magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay guddi doorasho.
Qoraal ka soo baxay madaxweyne
Xaaf ayaa loogu magacaabay guddi doorasho oo ka kooban 11 xubnood oo kuwaa oo
la sheegay in ay ka shaqeyn doonaan dhismaha Galmudug –ta cusub, waxaana
guddigan marka la eego uu ka hor imanayaa guddigga ay dowladdu magacaawday ee
hadda gacanta ku haya dhismaha maamulka Galmudug.
Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda
Soomaaliya in ay baalmartay dhamaan heshiisyadii horay looga gaaray, sidaa
daraadeed uu dib ula soo laabtay wakaalladii uu markii hore ku wareejiyay
Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta.
Guddiga farsamada ee dhismaha
maamulka Galmudug ee fadhigoodu yahay Dhuusa-Mareeb ayaa shalay ku dhawaaqay liiska
rasmiga ah 20ka ee Ahlu Sunna ku
matalaya Baarlamaanka cusub.
Hasse ahaatee qaar ka mid ah
beelaha degga Galmudug ayaa ku eedeeyay dowladda iyo Ahlu Sunna in ay iyagu
qeybsadeen xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka.
Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo
baxay madaxweyne Xaaf.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]