4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2020
Africom oo faah faahin ka bixisay duqeyn shalay ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose

 

Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Qoraal ka soo baxay howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa looga hadlay duqeyn Mareykanku ka fuliyay degaanno ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay duqeyn  dhinaca cirka ah ay la beegsadeen xubno ka tirsan  Al-Shabaab oo ku sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqeyntan ayuu sheegay Mareykanku in ay ku dileen Saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ,isla markaana sidoo kale ay baaritaan ku sameyn doonaan hadii dad rayid ah ay wax ku noqdeen duqeyntaas.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.

Warkan ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Africa  ayaa noqonaya howlgalkii ugu horreeyay ee Sanadkaan ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya xilli uu kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-shabaab sanadkii la soo dhaafay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]